Home UncategorizedSOOYAALKA DAGAALKA UAE VS SOMALIA!

SOOYAALKA DAGAALKA UAE VS SOMALIA!

by admin
0 comments

Soomaaliya iyo Imaaraat maaha amintii 1-aad oo ay isku dhacaan, Bilowgii March 2018-kii xariirka 2da dhinac wuxuu gaaray kala tag fog, is dacweyn Ilaa dagaal diblumaasiyad labo jabis ah ayaa dhacay laga bilaabo xiligaas ilaa May 2022kii.

Bilowgii 2018-kii Madaxda DPWORLD ayaa dhawr mar isticmaalay Erayga Dawladda Somaliland, taas oo ka careysiisay DFS, ilaa dagaalku faraha ka baxay.

12kii March 2018kii, Qaraar ayay gaareen baarlamaanka Soomaaliya, waxay burburiyeen oo meesha in laga saaro amreen heshiisyada UAE ee dekedaha Boosaaso iyo Berbera, laakiin dhaqangal ma noqon.

Xukunkii Farmaajo wuxuu jid kasta u qaaday in Imaaraat lala dagaalamo, laakiin ugu dambeyn is hardigii dhinacyadu wuxuu kudhamaaday natiijadii May 2022-kii, oo isla maalin ka dib imaanshihii Xassan Sheikh ayaa fasaxay $10Malyan oo Dollar oo UAE lahaayeen laguna hayay Muqdisho.

April 2018-kii, Madaxweynihii Puntland ee xiligaas ahaana saxiixihii Heshiiskii DPWORLD kuheshay dekeda Bosaso, ayaa Abu Dhabi warbaahinta kula hadlay isna isticmaalay weedha ahayd “Muqdisho maaha Somalia, Somaliyana Muqdisho maaha- Mogadishu is NOT #Somalia and Somalia is NOT #Mogadishu”

Puntland wey diiday in go’aankaas u hogaansato, mana hirgalin qaraar kasta oo UAE ka dhan ahaa oo kahirgali lahaa Boosaaso, Berbera ilaa Kismaayo.

Imaaraatka, waxay xiligaas joogid ku lahayd diblumaasiyadeed Muqdisho, oo safiirkeeda ayaa joogay, isagoo aan xariirka 2da dhinac fiicneyn, Bosaso ilaa Berberana kama bixin, waxayna sii heshay Heshiiska dekeda Kismaayo.

Hadda Is weydiintu ma laheli kara go’aanka DFS, xili arrimuhu aad uga fogaadeen sidii hore??

You may also like

Leave a Comment

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00