Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan dhaqan gelinta go’doominta dhammaan gaadiidka badda ee soo gala iyo kuwa ka baxa dekedaha Iran Isniinta.
Waxay intaa ku dareen in maraakiibta ka imaanaya meelo kale loo ogolaan doono inay maraan marin biyoodka Hormuz, oo ah marin biyood muhiim ah oo Iran ay si hufan u xirtay iyadoo ka jawaabaysa weerarada Mareykanka iyo Israel.
Waxay timid ka dib markii wada xaajoodyadii labada dhinac ay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, kaasoo bilowday 28-kii Febraayo.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadalkii tooska ahaa ee Iran uu kula yeeshay Pakistan uu guul daraystay ,sababtoo ah Iran in “aanay diyaar u ahayn inay ka tanaasusho hamigeeda nukliyeerka”.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka “dalab xad dhaaf ah iyo codsiyada sharci darra ah”.
