Home SportCasemiro Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaaray Koox Weyn

Casemiro Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaaray Koox Weyn

Casemiro ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis la gaaray Inter Miami, isagoo qorsheynaya inuu ku biiro kadib koobka adduunka ee 2026.

by Mohamed Shaqale
0 comments

Xiddiga Manchester United ayaa hore u sheegay inuusan cusbooneysiin doonin heshiiskiisa, taasoo ka dhigaysa xilli ciyaareedkan kii ugu dambeeyay ee uu Old Trafford ku qaato.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiska cusub uu noqon doono mid aad u weyn, iyadoo dakhliga guud uu ka badan doono laba jibaar mushaharkiisa hadda. Waxaa sidoo kale ku jiri doona gunnooyin iyo dakhli ka yimaada xayeysiin iyo arrimaha la xiriira sumcaddiisa.

Heshiiskan ayaa la rumeysan yahay inuu horumar sameeyay kadib kulamo dhowr ah oo dhex maray labada dhinac, iyadoo Casemiro si joogto ah loogu arkay Miami bilihii la soo dhaafay.

You may also like

Leave a Comment

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00